Warning: Parameter 1 to wp_default_styles() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601

Warning: Parameter 1 to wp_default_scripts() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601
Shirkii 10-aad ee Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika oo soo gabagaboobay iyo Bayaan kasoo baxay, Phoenix, Arizona | Majliska.org

Shirkii 10-aad ee Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika oo soo gabagaboobay iyo Bayaan kasoo baxay, Phoenix, Arizona

Print

Sidii qaybtii hore aan ku xusnay waxay soo gudbiyeen gudiyadii loosaaray inay soo koobaan qodobadda laga dooday, arihimii ugu muhiimsanaa ee ka soobaxay qodobadaas. Gudiga dacwada waxyaabihii ay soo gudbiyeen waxaa ugu muhiimsanaa in dhinaca waxbarasha loo sameeyo Manhaj Midaysan dhinaca Dugsiyada, Macaahida iyo Waxbarashada kaleba. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa in tababar loo sameeyo Imaamyada, ducaada iyo maamulada Maraakista/Masaajida iwm.

Halkan ka daawo Sawirada gabagabada shirka

Qodabadii kale ee shirka ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa horumarinta iyo tayeynta Golaha Imaamyada, dhinaca awooda, dhaqaalaha iyo xaqiijinta ahdaaftiisa mustaqbalka dhow iyo kan  fogba. Waxaa la isku raacay inay maadaama Goluhu maamulo Maraakis/Masaajid badan uuna sii balaarinayo maalinba maalinta ka danbaysa in Maamulkiisa labalaariyo loona sameeyo gudi hoosaadyo, waxaa goobta lagu sameeyey gole fulin oo xaqiijiya go’aamadda kasoo baxay shirka iyo guud ahaan Golaha howlihiisa oo dhan.

Waxaa kaloo qodobada muhiimka ah ee laga hadlay ka mid ahaa qiimaynta iyo kala hor marinta baahiyaha Masaajida furmaya iyo dhibaatooyinka haysta kuwa jira oo  aan lahayn awood dhaqaale oo kaligood ay ku xaliyaan. Waxaa ladhagaystay baahida iyo cabashooshinka Masaajidaas, kadibna waxaa loosaaray gudi usameeya qorshe sanadeed ay tabarucaad uga raad sadaan Maraakista/Masaajida kale.

Waxaa xusid mudan Masaajida iyo Maraakista waawayn ee ka dhisan Waqooyiga Ameerika, qaarkoodna ku fadhiyaan lacag gaaraysa Shan Milyan oo doolar in lagu dhisay qaab is kaal maysi ah, oo Soomaalida dagan Waqooyi Ameerica iyo Muslimiinta kaleba marka loo ban dhigo baahida iyo duruufaha gobolkaas ay sameeyaan barnaamij dhaqaale aruurin ah si loo hirgaliyo Xaruntaas/Masaajidkaas. Arintaas oo lagu tilmaamo arimaha ugu waawayn uguna muhiimsan  ee goluhu hirgaliyey, marka laga reebo isku xirida ummada, dacwada iyo ducaada.

Fikirkaan in ah in Xarumo ummadu leeday  loo sameeyo ayaa waxaa abaalkeeda iska leh illaahay ka sokow Culimmada iyo Ducaada Soomaaliyeed ee arintaan xilka khaaska ah iska saaray, kadib markay qiimeeyeen baahida mushtamacan muslimka ah ee kusoo qaxay wadan ka diin, dhaqan iyo cimiloba duwan. Sidoo kale waxaa xusid mudan in badan oo kamid ah Culimmadaiyo ducaada inay culays iyo dhibaato kasoo gaartay xaqiijinta ahdaaftaas iyo masuuliyadaas wayn.

Qodobka ugu danbeeya  ee aan halkaan ku xusayno ayaa ahaa sida ugu wanaagsan ee loo xoojin karo xiriirka Golaha iyo Ururada kale ee Muslimiinta ah, iyo sidii Markaskasta/masaajidkasta  xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa Gobolka ay ku yaalaan.

Qodobkaas markii laga dooday waxyaabihii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa; in diinta Islaamka lagaarsiiyo Mushtamacaadka kale ee aan Islaamka ahayn  iyadoo loogudanayo sida ugu wanaagsan uguna xikmada badan, in Goluhu xiriir wanaagsan la bilaabo Ururada kale ee muslimiinta ah, kana qayb galo Mu’tamaraadkooda, Sidoo kale Masaajida inay xiriirkooda kala dhaxeeya Masaajida kale ee Muslimiinta xoogjiaan kuna marti qaadaan Mu’tamaraadka iyo shirarka kale ee  ay qabtaan. Waxaa kale oo aad loo xusay muhiimada ay leedahay in xiir wanaagsan lala yeesho  Gobalada la dagan yahay iyadoo Masaajidkasta ka kabilaabay Gudiga xaafada, (neighborhood association) Sidoo kale in la qabto Open House Markiskastana/Masaajidkastana baraa dariskiisa waxa uu yahay.


Waxaa iyana warbixin laga dhagaystay Hay’adaHumanitarian African Relief Organization (H.A.R.O.)  oo uu kasocday Masuulka hay’ada Sh. Cali Haji, Sh. Cali ayaa ka warbixiyey waxqabadkoodii sanadkii lasoo dhaafay ee 2010 iyo guud ahaan hay’ada. Sh. Ali ayaa qaybiyey Buugaan iyo Calender ay ka muuqdaan warbixin iyo sawiro dad Soomaaliyeed oo aad u dhibaataysan, Sh. Cali ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay wax qabadkoodu hoos u dhacay, sababtana ay tahay dhaqaalihii ay heli jireen oo hoos u dhacay. Maraakista ka soo qayb gashay shirka ayaa aad ugu mahad celiyey Hay’ada Haro iyo  Sh. Cali iyo masuuliyiinta kale ee Hay’ada, Culimmada ayaa soo jeediyey in Hay’ada lagarab istaago lana caawiyo, dhaqaalo aruurina looga sameeyo Maraakista iyo Masaajida. Sh. Cali ayaa sheegay in Hay’adoodu ka sharciyey santahay wadanka Maraykanka ayna gargaar gaar siinkaro Geeska Africa oo dhan, dhaqaalena ka aruurin karto meelkasta. Sidoo kale Sh. Cali ayaa sheegay in ay canshuur dhaaf ku helayaan walaalaha sadaqada labaxa, marka lagaaro canshuur celinta. Sh. Cali ayaa codsi usoo jeediyey dhamaan Maraakista iyo ummada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika, in ay gacan u fidiyaan walaalahooda wadankii Hooyo ku dhibaataysan, Sh. Cali ayaa yiri dhibaatada waad ka dharagsantihiin waqtiga oo yar, waxaan idin xasuusinayaa abaar aad u daran in wadankii ku habsatay, biyo la’aan daraadeedna dad iyo duunyoba u halaagsamayaan, hada waxaa bilaabanaya xiligii roobka laakiin abaartu sidaan markay u daran tahay intii hartay ayaa roobku is raaciyaa, markasta baahidu way taagan tahay, anaguna waxaan xooga saaraa Cuntada iyo Biyaha,  intaa wuxuu raaciyey anana waxaan balan qaadaynaa inaan sida ugu wanaagsan u gaarsiino dhamaan Soomaalida wadanka ku dhibaataysan,  insha allaah. Markasta oo nagala codsado warcelin/Report diyaar ayaan lanahay, hadana website-ka ayaad ka ariki kartaan waxqabadkeena, iyo warbixinadii hore. Halkan ka fiiri booqo website-ta HARO,  http://www.soomaalirelief.org/ Sidoo kale akhri qoraal somalitalk horay u daabacday.http://somalitalk.com/haro/

Shirka Sanadkan waxaa Martigaliyey Masjid Ar-Rahmah Phoenix Arizona. Masjid Ar-Raxmah waa Markis wayn oo aad u quruxbadan kuna yaala meel faras Magaale ah, Masaajidka ayaa lagu soo wareejiyey Marti Shartii timid, martiqaadna loogu sameeyey Maalintii labaad ee shirka. Masjid Ar-Raxmah waxaa socda hindisii si dhamaystiran loogula soo wareegi lahaa, Masaajidka waxaa lagu gaday $700.000 waxaa dhiman $430. 000 lacagtaas waa lacagta lagu gaday, kuma jirto dib u habaynta.

Halkan ka daawo Sawirada gabagabada shirka

Masjid Ar-Raxmah Phoenix oo uu Imaamka ka yahay Sh. Abdilkhaliq Diiriye ayaa shirka tobnaad ee golaha sanadkan marti galiyey, reer Phoenix sida aad iyo aad ah ayey usoo dhaweeyeen Maraakista  iyo Masaajida martida u ahayd. Magaalada Phoenix waa magaalo cimilada Gobalada badda cas ee Soomaaliya kuyaal la cimilo ah taas oo Culummada meelaha qabow ka yimid ay Soomaaliya ku soo xasuusteen. Maamulka Golaha iyo dhamaan marti sharaftii ayaa Walaalaha reer Phoenix uga mahad celiyey soo dhawayntaas, uguna du ceeyey in illaahay Markaskooda u hirgaliyo.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan kuwajahan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Waqooyiga Ameerika.

Halkan ka daawo sawiradii hore ee shirka

Bayaan ka soo baxay Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerica  oo Kuwajahan Ummada Soomaaliyeed meelay joogaanba KA AKHRI HALKAN (pdf)

Taariikhda Golaha:

Golaha Iimaamyada ee W/qooyiga Ameerika waxaa la aas aasay bilowgii sanadkii 2001 iyadoo ay hogaaminayaan culimmada Soomaaliyeed si ay u daboolaan baahida Diimeed iyo Dhaqameed ee mushtamaca ku cusub W/qooyiga Ameerika. Golaha Imaamyada ee W/qooyiga Ameerika waxaa hoos yimaada 17 Markis/Masaajid.

Halkan ka daawo Sawirada gabagabada shirka

Waxaa soo diyaariyey

Hassan Jama (Xasan Dhooye)

Maamulaha Abubakar As- Sadiqque Islamic Center

Minneapolis, MN

dhooye@hotmail.com

xigasho: somalitalk