Warning: Parameter 1 to wp_default_styles() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601

Warning: Parameter 1 to wp_default_scripts() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601
Shirka Golaha Immaayada ee W/Ameerika oo si habsami ah uga socda Columbus | Majliska.org

Shirka Golaha Immaayada ee W/Ameerika oo si habsami ah uga socda Columbus

Print

shirka-majlis-Columbus-2014Waxaa si habsami leh uga socdo gobalka Ohio Magaalada Columbus,shirkii sanadlaha ahaa ee ay isugu imaanjireen Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerika. Shirkaas oo ay sanadwalba isugu yimaadaan golaha ayaa waxaa looga hadlaa qodobo muhiim u ah dhamaan ummada islaamka ah,gaar ahaan jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool W/Ameerika. Shirka sanadkan ayaa waxaa ka soo qayb galay maraakis gaarayso 25 Masjid oo kakala yimid gobalada kala gadisan ee uu majlisku ku leeyahay Masaajida iyo Maraakista.

Shirka sanadkan ayaa waxaa ka soo qayb galay 4 Masaajid oo sanadkan ku soo biiray golaha Isutaga Masaajida ee W/Maraykanaka Arintaas oo ah horumar uu ku tilaabsaday golaha.

Shirka Sanadkan ayaa waxaa la filayaa in looga hadlo sidii loo sii hormarin lahaa shaqada wayn ee Golahaan u hayaan ummadda Islaamka, gaar ahaan ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqiooyiga Ameerika, Shirka ayaa la filayaa sidii caadadda u ahayd in laga soo saaro Baaq ku wajahan dhammaan qaybaha kala duwan ee ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Madaxa Fulinta Majliska

Sh. Abdullahi Abul-Fadli