Warning: Parameter 1 to wp_default_styles() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601

Warning: Parameter 1 to wp_default_scripts() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601
Sh. Abdul Fadli iyo Sh. Dayib oo booqday Masjid Al-faarooq | Majliska.org

Sh. Abdul Fadli iyo Sh. Dayib oo booqday Masjid Al-faarooq

Print

Gudoomiyaha Golaha Tanfiidka ee Golaha Imaamyada , Sh Abdullahi Abul-Fadli oo uu lasocdo Sh Dayib ayaa maanta waxay safar dacwo noogu yimaadeen Masaajidka Alfaaruuq ee magaalada Nashville, Sh Abul-Fadli ayaa wuxuu noojeediyay Muxaadaro, sidoo kale wuxuu lakulmay Maamulka Masjidka isagoo kala hadlay sidii dacwada loo xoojin lahaa iyo Mu”tamarka sidii loogu diyaar garoobi lahaa.

Sh Abul-Fadli iyo culimadii losoctay ayaa waxay booqdeen Madrasada Quraanka ee Markaska waxaana warbixin siiyay maamulaha dugsiga Cali Salax Nuuradiin ,Ilaahay culimada iyo Majliskaba hanoo barakeeyo.

Ogaysiis Kuwajahan Gobolka Tennessee iyo Nawaaxigiisa

Waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed ku nool Gobolka Tennessee ee Dalka Maraykanka iyo inta kale ee awooda inay soogaaraan, inuu dhici doono Mu’tarkii 15-aad ee ay soo agaasimeen Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo Al-Farooq Islamic Center. 

Mu’tamarka Sanadkan ayaa cinwaankiisa guud yahay Islaamku waa Manhajka Nolosha (الاسلام منهج حياة) Mu’tamarka ayaa ku bixi doona luuqada Soomaaliga iyo midda Ingiriiska. Mu’tarmarka ayaa socon doona sanadkan 3 maalmood Jimce, Sabti iyo Axad. May 22- 24, 2015.

Waxaa si xushmad looga codsanayaa Soomaalida degan  Tennessee iyo Nawaaxigeeda inay soo ajiibaan khayrka kana soo qayb galaan Mu’tamarkan muhiimada u leh noloshooda aduun iyo mid aakhirob.

Mu’tarmarka Sanadkan Culummada kasoo qayb galaysa liiskooda hoos ka daalaco.

1-  Sh. Abdirahman Sh. Omar
2-  Sh. Abdirahman Sh. Ahmed
3-  Sh. Abdullaahi Ibraahim
4-  Sh. Mohamed Mursal
5-  Sh. Abdullaahi Abul-Fadli
6-  Sh. Yusuf Abdullaahi
7-  Sh. Yahye Sufi
8-  Sh. Nuuh Ise
9-  Sh. Mohamed Shucayb
10- Sh. Ahmed Dayib
11- Sh. Hassan Dhooye
12- Sh.Mohamed Hassan

Intaa wixii dheer waxaad uga bogan doontaa flyer-ka soo socda insha allaah. Faah faahin intaa dheer fadlan la xiriir. Sheikh Mohamed 615-638-5240 iyo Sh. Al Salah 615-686-4145 sidoo kale waxaad wici kartaa Masaajidka Al-faarooq 615-313-8844.

1973759_709853459160461_4230877484115507542_o 10838185_1611190405760566_5551471021542737186_o 11038934_1611190169093923_7803737453752042300_o 11110200_1611190602427213_2688924963249425688_o 11111612_709853449160462_2798110247360130548_o 11141121_1611190372427236_1448686035328458181_o 11149765_709853455827128_178333478732263788_o 11187269_1611190542427219_1789024954307873755_o 11194432_1611190229093917_2324013572292431874_o 11194652_1611190335760573_5260556384559260414_o 11200939_709853452493795_5087815275167100251_o 11227424_709853465827127_7917010780044467111_o 11234977_1611190175760589_2200924679457540665_o