Warning: Parameter 1 to wp_default_styles() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601

Warning: Parameter 1 to wp_default_scripts() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601
Muxaadaro Duruusta iyo Casharada laga Qaadanayo Suurada (Al-Casri) | Majliska.org

Muxaadaro Duruusta iyo Casharada laga Qaadanayo Suurada (Al-Casri)

Print

Minneapolis:-Sheekh Yusuf Adam oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya ayaa waxaa uu dhawaan ku soo gaaray arrimo caafimaad dalka Maraykanka waxaana uu muxaadaro xalay ka jeediyey Masaajidka Abubakar ee Minneapolis isagoo ka hadlay Casharka iyo cilmiga laga faa’iiday sanayo Suurada (Al-Casri).

Sheekh. Yusuf Adam ayaa waxaa uu ka mid noqday dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ugu horaysay ee nasiibka u hellay in ay ka qalin jabiyaan 1974 Jaamacada Madiina xiligaas oo uu madax ka ahaa Caalimka waynaa Sh.Ibnu-Baz. Sheekh Yuusuf Adam ayaa waxaa uu ka mid yahay culimadii Soomaaliyeed ee horseedka ka ahaa Aasaaskii Dacwada Salafiga ah ee ka hana qaaday dalka Soomaaliya taas gaartay dalalka dariska la ‘ah Soomaaliya markii danbena u talaabtay meel walbo oo ay bulshada Soomaalida kaga nooshahay Aduunka.

Sheekh. Yusuf Adam iyo Sh Cabduqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee ayaa waxaa ay ahaayeen saaxiibo ku walaaloobay diinta waxaan ay soo saareen Arday fara badan oo ku howlan ilaa hadda fidinta diinta arrinkaas oo ay fadli gaar ah ku leeyihiin sidda culimada kale ee Soomaliyaba ay ugu leeyihiin.

Sh. Yusuf Adam ayaa Muxaadarooyin iyo talooyin badan siin doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Maraykan-ka gaar ahaan Minnesota oo ah meesha Sheikhu kusoo dagay insha allaah. Muxadaaradii ugu horaysay ayuu xalay ka jeediyey Xarunta Abuubakar ayaa ka hadlay Casharada iyo Cilmiga laga qaadanayo Suurada (Al-Casri). Muxaadarooyinka danbe ee Sheikh Yusuf u toog haya, waa idiin soo tabin doonaa insha allaah.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Sh Yuusuf Adam ka jeediyey Masjidka Abubakar ee Minneapolis

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Xasan Dhooye
Minneapolis
dhooye@hotmail.com