Warning: Parameter 1 to wp_default_styles() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601

Warning: Parameter 1 to wp_default_scripts() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601
Golaha Imaamyada W/Ameerika oo  HARO ku wareejiyey Gurmad lacageed oo kuwajahan  Gobalka Gado. | Majliska.org

Golaha Imaamyada W/Ameerika oo  HARO ku wareejiyey Gurmad lacageed oo kuwajahan  Gobalka Gado.

Print

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay Masaajidka Wayn ee Abubakar As-ssadique Ee magaalada Minneapolis,Munaasabadaas oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Iimaamyada ee Waqooyiga Ameerika ayna ka soo qayb galeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Maraakista Majliska,culumo iyo Martisharaf kale oo faro badan,ayaa Goluhu wuxuu ku wareejiyey Hay’adda Samafalka Ee HARO,Lacag gaarayso ($50,000) Konton kun oo dollar,Lacagtaas oo loogu talo galay Walaalaha Gobalka Gado oo ay ku habsatay abaar aannan waxbo hanbaynin.

gedo, nacsi5

Golaha Imaamyada W/Maraykanka oo kaashanaayo Jaaliyada Soomaaliyed ee ku nool W/Maraykanka ayaa waxay aruuriyeen deeqdan ay ugu talo galeen walaalahooda dhibaataysan,waana gurmadkii labaad iyadoo ay horay u gaarsiiyeen Gobalka dhaqaale laga aruuriyey Maraakista Majliska ayadoo loo mariyey hay’adda Haro iyo hay’addo kale oo samofal ah.

Gudoomiyaha Golaha Shuurada ee Majliska Dr Sheikh Abdirahman Sheikh Omar ayaa wuxuu ku dheeraaday waajib nimada iyo Fadliga dheeraad ka ah ee ay leedahay is caawinta iyo isu danqashada, dadka Muslimiinta ahna ugu mahad celiyey isxilqaankooda, sidoo kale Sh. Cabdiraxmaan ayaa mahad celiyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool Sida ay marwalba u garab taaganyihiin walaalahooda ku dhibaataysan Gudaha Wadankii hooyo.

Sidoo kale waxaa warbixin kooban ka bixiyay hawlihii Majliska uu ka qabtay Iyo wixii uga Suuro galay arintan gurmadka Gedo,  Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Majliska Sheikh Abdullahi Abul-Fadli,kana waramay wixii ay horay ugu dhiibeen hay’adaha gurmadka iyo lacagta Caawa lagu wareejinaayo Hay’adda HARO oo ah lacag gaarayso ($50,000) ,Sheikh Abul-Fadli ayaa u mahad celiyay Maraakista Majliska iyo doorka ay Marwalbaa ka qaataan hawlaha wax loogu qabanayo ummada Soomaliyeed dal iyo dibaddba.

Waxaa iyana goobta hadalo kooban ka jeediyay Imaamka Masajidka Abubakar Sheikh Abdirisaq Hashi,Imaamka Masajidka Al-ixsaan Sh Maxamed Mursal, Gudoomiyaha board-ka Masajidka Abubakar  Abdirashiid Bare Muse iyo culumo, iyo odayaal faro badan.

Ugu danbayntii ayaa waxaa Mahadnaq iyo boogaadin u soo gudbiyey Majliska iyo Hay’adda HARO Ugaas Ismaaciil oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee Gobalka Gado ka soo jeedo,isagoo tibaaxay hawsha qiimaha leh ee ay culimadu u istaagatay.

Gabo gabadii ayaa wuxuu Dr Sheikh Abdirahman Sh Omar ku wareejiyay Gudoomiyaha Hay’ada HARO Lacagtii,illahayna wuxuu u waydiiyay ummada Soomaaliyeed inuu ka saaro dhibaatooyinka ku habsaday oo Abaaruhu ugu horeeyaan.

Xafiiska Dacwada iyo Iclaamka ee Golaha Iimaamyada W/Maraykanka.
Minneapolis,MN.
somimaams@gmail.com

xigasho:Sawirada Siyad Saciid Salah

gedo, nacsi gedo, nacsi1 gedo, nacsi2 gedo, nacsi3 gedo, nacsi4 gedo, nacsi6 gedo, nacsi7