Warning: Parameter 1 to wp_default_styles() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601

Warning: Parameter 1 to wp_default_scripts() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php:601) in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/feed-rss2.php on line 8
Majliska.org http://majliska.org Golaha Immaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika Tue, 09 Feb 2016 03:08:43 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=4.5.13 NACSI: Wish you Eid Mubaarak http://majliska.org/golaha-imaamyada-oo-idiin-leh-ciid-mubaarak-meelaad-joogtaana/ http://majliska.org/golaha-imaamyada-oo-idiin-leh-ciid-mubaarak-meelaad-joogtaana/#respond Thu, 24 Sep 2015 06:03:48 +0000 http://majliska.org/?p=645 »]]> Asalamu Alaykum

Eid Mubarak

Eid-2015-Al-Adha2

On behalf of North American Council of Somali Imams, Inc. (NACSI), wish you a blessed and prosperous Eid to all Muslims around the globe. We pray that Allah (swt) accept our prayers, fasting, charities and all other good deeds that we performed. We ask Allah (swt) to shower us his mercy and enter us to Jannah.

Jazaakumullaahu khayran for your generous support to NACSI.

Anigoo ku hadlaya magaca Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika, ummada Muslimka ah meelay joogaanba waxaan idiin rajananaa Ciid wanaagsan, waxaan idin leenahay Ciid Mubaarak. Waxaan illaahay ka baryeynaynaa inuu inaga aqbalo Soonka, Sadaqada iyo dhamaan acmaasheena, Illaahay waxaan idinkaga baryeynaa inuu ciidaan ciideena amni iyo imaan nagu gaarsiiyo.

Markasta taageeradiina aad Culummada iyo Majliska lagarab taagantihiin waan idin kaga mahadcelinaynaa.

Jazaakumu lahu khayr.

Hassan Jama

Executive Director of NACSI

]]>
http://majliska.org/golaha-imaamyada-oo-idiin-leh-ciid-mubaarak-meelaad-joogtaana/feed/ 0
Golaha Imaamyada: Ogaysiis Rasmi ah dhalashada bisha Dul-Hijjah 1436H http://majliska.org/golaha-imaamyada-ogaysiis-rasmi-ah-dhalashada-bisha-dul-hijjah-1436-h/ http://majliska.org/golaha-imaamyada-ogaysiis-rasmi-ah-dhalashada-bisha-dul-hijjah-1436-h/#respond Tue, 15 Sep 2015 00:55:41 +0000 http://majliska.org/?p=636 »]]> Official Decision and Announcement of the High Judiciary Council (HJC) of Saudi Arabia regarding the beginning of Dhul-Hijjah

AsalaamuAlaikum wa Rahmatullah,

Dhul-Hijjah has commenced as of Maghrib this evening, Monday 14 September 2015, and the Muslims performing Hajj will be in ‘Arafah on Wednesday 23 September 2015 (9 Dhul-Hijjah 1436), and the Muslim Ummah shall be celebrating Eid Al Adha on Thursday 24 September 2015, (10 Dhul-Hijjah 1436), InshaAllah!

Go’aan Rasmi ah iyo Ogaysiis ku aadan dhalashada  bisha Dul-Hijjah oo kasooo baxay Gudiga Fiqiga ee Maxkamada sare ee Sacuudiga.

Dul- Hijjah waxay bilaabatay Maqribkan, manta oo Isniin September 14, 2015, muslimiinta Hajjka gudanaya waxay carafa istaagi doonaan Arbacada 23 September 2015. (9 Dul-Hijjah 1436) Ummada Muslimiintuna waxay ciidi doonaan Khamiis 24 September 2015 (10 Dul-Hijjah)

Sidaa daraadeed Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerica isagoo raacaya Ogoysiiska Rasmiga ah ee Maxkamda Sarre ee Sacuudiga, wuxuu ku wargalinayaa dhamaan ummada Muslimiinta eek u nool W/qooyiga Ameerika in maalinta ciidul Adxah ay ku beegantahay Khamiis 24 September 2015 (10 Dul-Hijjah), dhammaana maraakisa ku midaysan golahaan waxaa lagu wargalinayaa inay sidaas ummada Islaamka ogaysiiyaan.

Golaha imaamyada waxay ummada Soomaaliyeed u rajaynayaan khayr iyo in ilaahay waafajiyo inay ka faa’iidays taan 10 bari ee Fadli badan ee bishaan Dul-Hijjah.

MOON-MONTH

Gudiga Fiqiga ee Golaha Imaamyada

 

 

 

 

 

]]>
http://majliska.org/golaha-imaamyada-ogaysiis-rasmi-ah-dhalashada-bisha-dul-hijjah-1436-h/feed/ 0
Shirkii 14-aad ee Golaha Imaamyada oo si habsami leh kosoo afjarmay qodobo muhiim ahna kasoo baxeen http://majliska.org/shirkii-14-aad-ee-golaha-imaamyada-oo-si-habsami-leh-kosoo-afjarmay-qodobo-muhiim-ahna-kasoo-baxeen/ http://majliska.org/shirkii-14-aad-ee-golaha-imaamyada-oo-si-habsami-leh-kosoo-afjarmay-qodobo-muhiim-ahna-kasoo-baxeen/#respond Thu, 27 Aug 2015 06:16:54 +0000 http://majliska.org/?p=579 »]]> 201582663576194387814157411892079_10207511679252880_2340627815984817133_nGolaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Soomaaliyeed ayaa shirkoodii sanadlaha ahaa ku qabtay sanadkan Xarunta wayn ee Abuubakar ee Minneapolis, shirkaas oo ahaa, kii 14-aad. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay ku dhowaad boqol xubnood oo isugu jira, imaamyada iyo maamulada Maraakista/Masaajida uu ka koobanyahay golahaan, xubnahaas oo ah golaha shuurada oo ladoorto sadexdii sanoba hal mar. Waxaa shirka sanadkan sharaf u ahayd inuu kasoo qayb galay Sh. Yusuf Aadan oo ka mid ah culummada waawayn ee Soomaaliyeed iyo aabayaasha Dacwada Islaamka ee Soomaaliya. Sidoo kale shirka waxaa kasoo qayb galay marti sharaf kale iyo saxaafada.

Shirka sanad kan ayaa looga hadlay arimo muhiim ah oo marka la koobo noqon karta, sidii loo hormarin lahaa dacwada kasocota North Amerika, isla markaasna loo ilaalin lahaa qiyamka ay leedahay ummada Soomaaliyeed. Sidoo kalena shirka ayaa laga soo saaray Bayaan iyo qodobo muhiim ah oo meelo badan taabanaya.

Qodobada shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa, warbixno laga dhagaystay Masuuliyiinta ka socotay 27 Xarumood/Masaajid oo hada Majlisku marayo, sida; horumarka dacwada iyo caqabadaha haysta, masaajidada horay loo iibiyey oo ebyoomay iyo kuwa aan wali dhamaystirmin. Tayeynta iyo horumarinta dacwada guud ahaan, Barnaamij loo soo gaabiyo CVE, (ka hortaga argagixisada cunfiga ku dhisan) Sh. Maxamed Idris iyo culummo kale oo Maraykanka maxkamad uga socoto, arintooda, Doorashada labada gole ee Goluhu ka koobanyahay, fulinta iyo Shuurada oo sanadkan doorashadoodu dhacday, sidii loo dar dargalin lahaa ka illaalinta da’yarta iyo qoysaska Soomaaliyeed ee Maraykana ku nool oo khataro badan baylah u ah, iyo sidii loo hormarin lahaa dhaqaale ahaan, maamul ahaan iyo waxqabad ahaanba Ha’yadan wayn Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika, ee ay ku midaysanyihiin kudhawaad 30 Maraakis oo ku yaala inta badan gobolada ay Soomaalidu kadagantahay Dalkan Maraykanka.

Qodobadii laga hadlay qaar ka mid ah;

1- Sanadkaan waxaa ladoortay Golaha shuurada ee sadexda sano ee soo socota xilka hayn doonta, waxayna kala yihiin sidan; Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar Gudoomiye, Sh. Axmed Nuur kuxigeen, Sh. Yusuf Cabdulle xoghayn, Sh. Cabdullaahi Nuur (Abul Fadli) Xiriirka bulshada, Naasir Warsame Khasnaji.

2- Golaha Fulinta waxaa Gudoomiye loo magacaabay Sh. Xasan Mohamed Jaamac (Sh. Xasan Dhooye) oo uu badalay Sh. Abul Fadli oo tobon sano horay u hayey xilkaas.

3- CVE barnaamijkan ayaa falan qayn dheer kadib la go’aan saday inuusan mushtamaceena faa’iido u lahayn, ayna dhici karto in dhibaato kasoo gaarto hadii la hirgaliyo, sidaa daraadeedna inaan Golahu qayb ka noqon barnaamijkaas. CVE waa barnaamij tijaabo ah oo ay wado dowlada Fedaraalka Marayka, tusaale ahaan gobolkan Minnesota waxaa barnaamijka wada oo Soomaalida u keenay Xeer ilaaliyaha guud ee gobalka, laamaha amnigana ay hoostagaan, barnaamij kaasoo ku wajahan dadka kasoo jeeda qaar ka mid ah wadamada agragixisada ay ka howl gasho, sida; Soomaaliya.

Barnaamijkan ayaa waxaa ka biyo diiday kana hor yimid ha’ydo waawayn oo u dagaalama xuquuqda dadka rayidka ah sida; Council on American–Islamic Relations (CAIR) iyo American Civil Liberties Union (ACLU) Golohuna wuxuu cadeeyey inuu hay’adahaas la mowquf yahay.

4- Sh. Maxamed Idris Maxkamadiisa oo dhacaysa 21 September 2015 kana dhacaysa magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa la go’aan saday in Sheikha la is garabtaago dhinacwalba, Maraakistana waxaa lagu wargaliyey in mushtama Soomaaliyeed lagu dardar galiyo sidii ay Sheikh Maxamed isu garab taagi lahaayee, waxaa maraakista laga codsaday inay mushtamaca ku wargaliyaan sida Sheikha isu garab taagi lahaayeen. Sidoo kale waxaa la isu garabtaagay, lagana dhagaytay warbixin Sh. Maxamed Kaariye oo isna Maxkamad kusocoto.

5- Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay lana go’aansaday, sidii hay’adan wayn ee golaha Imaamyada loo hormarin lahaa dhaqaale ahaan iyo tayeyn ahaan dhinackasta. Hay’adan Golaha Imaamyada ayaa mudadii 15-sano ee ay jirtay ku mashquulsanayd dhisida iyo hirgalinta in ku dhow 30 masjid oo iyada hoostaga iyo barnaamijyo kale oo badan, sanadaha soo socda ayaa xooga la saari doonaa in la kordhiyo waxqabadka hay’adan maadaama baahida mushtamaca ay ka balaarantahay Masaajid.

Ugu danbayntii shirka ayaa laga soo saaray bayaan, taabanaya meelo badan loogana hadlay arimo khuseeya ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba, shirka waxaa abaal marin farabadan lagu gudoon siiyey Sh. Cabdullaahi abul Fadli looga mahad celiyey shaqada wanaagsan ee uu soo qabtay mudadii uu xilka hayey. Sidoo kalena 5 xubnood ee shuuradii hore ayaa abaal marin lasiiyey.

Dhamaadkii shirka ayaa waxaa saxaafada lahadlay Gudoomiyaha Golaha Shuurada Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar, faah faahina ka bixiyey go’aanadii shirka. Sidoo kale waxaa Saxaafada lahadlay Sh. Xasan Dhooye oo ah Gudoomiyaha Fulinta ee cusub, isagoo ka warbixiyey dareenkiisa ku aadan xilkaan iyo waxqabadka uu maagan yahay mustaqbalka. Gabagabadii shirka ayaa lagu soo xiray duco iyo dar daaran guud. Wufuudii oo ka kala timid in ku dhow labaatan gobol oo Maraykan kuyaala waxay dib ugu noqdeen xarumahoodii.

Hoos ka akhri Bayaanka oo goluhu soo saaray.

bayaankii shirkii 14-aad ee golaha 2015

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
Siyad@hiiraan.com
Minneapolis Minnesota


201582663576194416461262811951993_10207511679892896_765928929324653709_n
201582663576194443076086211900038_10207511678452860_1323449946562385053_n 201582663576199218306671511951936_10207511679612889_7462519317263424254_n 201582663576199323994146911903875_10207511680372908_8218627160857813531_n 201582663576199342520810611951794_10207511678412859_4497842010931072853_n 201582663576199498838331511904716_10207511681892946_3010461366853360986_n 201582663576199573424014411928750_10207511678492861_2938806882829969447_n 201582663576199619785493511215053_10207511681692941_885174320261822930_n MG_2131 MG_2139 MG_2146

 

 

 

 

 

]]>
http://majliska.org/shirkii-14-aad-ee-golaha-imaamyada-oo-si-habsami-leh-kosoo-afjarmay-qodobo-muhiim-ahna-kasoo-baxeen/feed/ 0
Shirkii 14-aad ee golaha imaamyada uga socday Minneapolis oo soo gabagaboobay http://majliska.org/shirkii-14-aad-ee-golaha-imaamyada-uga-socday-minneapolis-oo-soo-gabagaboobay/ http://majliska.org/shirkii-14-aad-ee-golaha-imaamyada-uga-socday-minneapolis-oo-soo-gabagaboobay/#respond Tue, 25 Aug 2015 06:12:03 +0000 http://majliska.org/?p=564 »]]> Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Soomaaliyeed ayaa shirkoodii sanadlaha ahaa ku qabsay Xarunta Abuubakar ee Minneapolis, shirkaas oo ahaa kii 14-aad. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay in ka baday 50 xubnood oo ah Golaha Shuurada ee matasha 27–ka Markis/Masaajid ee Majlisku ka koobanyahay.

Shirka ayaa looga hadlay arimo muhiim ah oo marka la isu aruuriyo noqon karta, sidii loo hormarin lahaa dacwada kasocota North Amerika, isla markaasna loo ilaalin lahaa qiyamka ay leedahay ummada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa laga soo saaray Bayaan, warbixinta oo faah faahsan lasoco.

 

MG_2131 MG_2139 MG_2146 MG_2154 MG_2156 MG_2160 MG_2164 MG_2176 (1)

]]>
http://majliska.org/shirkii-14-aad-ee-golaha-imaamyada-uga-socday-minneapolis-oo-soo-gabagaboobay/feed/ 0
Golaha Imaamyada oo Soomaalida iyo Muslimiinta ogaysiinaya ugu hambalyeynaya Ciid Al-fitriga http://majliska.org/golaha-imaamyada-oo-soomaalida-iyo-muslimiinta-ogaysiinaya-ugu-hambalyeynaya-ciid-al-fitriga/ http://majliska.org/golaha-imaamyada-oo-soomaalida-iyo-muslimiinta-ogaysiinaya-ugu-hambalyeynaya-ciid-al-fitriga/#respond Fri, 17 Jul 2015 00:30:12 +0000 http://majliska.org/?p=555 »]]> بسم الله الرحمن الرحيم

Illaahay ayaa mahad iska leh Nabadgalyo iyo Naxariis Nabigiisa Maxamed korkiisa ha ahaato.

Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika wuxuu hambalyada ciida Al-Fitriga u dirayaa Muslimiinta guud ahaan gaar ahaan Muslimiinta Waqooyiga Ameerika iyo Soomaalidaba.

Eid-Mubarak-2015Golaha Imaamyada waxay ku dhawaaqayaan inay bari oo Jimce ah July 17, 2015 ay tahay maalinkii ugu horeyey ee bisha  Shawaal, sidaa daraadeedna ay ciidtahay.

Goluhu wuxuu go’aan kaas u gaaray qodobadaan soo socda;

  • Waxaa looga dhawaaqay in bishii laga arkay wadamo badan sida; Saudi Arabia, Somalia, Jordon, Masar Imaaraat, Malaysiya iyo wadamo kale oo bisha laga arkay. Sidoo kale culummada wadamadaas way ku dhawaaqeen fiqi ahaan.
  • Dhalashada bisha oo la arkay taasoo saldhig u ah Saamida iyo Afurida sida Nabgu yiri (scw) “Aragti kusooma arigtina ku Afura”
  • Cid lagu kalsoonyahay haday aragto oo Iyana lagu soomayo laguna afurayo.

Illaahay waxaan ka baryeynaa inuu ummada Muslimiinta ah Naxariistiisa ku dajiyo, xaalkoodana mid ka khayr badan ugu badalo, madaxdoodana uu xaqa tuso. Amiin.

Illaahay raali galintiisu waa yoolkeena, illaahayna ciduu doono isagaa wadada xaqa ah ku toosiya.

In the name of Allah, the beneficent, the merciful All praise is for Allah, and may peace and blessing be upon the messenger of Allah, his family, companions, and true followers to proceed:

The North American Council of Somali Imams offers its warmest congratulations to the Muslim Ummah in general and the Muslims in the US in particular and Somali Community upon the arrival of Eid Al-Fitr and announces that tomorrow Friday July 17th, 2015 is the first day of Shawwal and the first day of Eid.

The Council came to this conclusion based on the following reasons:

  1. The announcements by many Islamic countries such as Saudi Arabia, Somalia, Jordan, Egypt, UAE, Malaysia, and others that the crescent has been sighted, and the sighting was later adopted by the local jurisprudential authorities.
  2. Moon sighting is the basis for starting any lunar month as was stated in the Hadeeth “Fast for its sighting, and break your fast for its sighting”.
  3. Confirming new moon sighting can be through group or individual testimonies if they are trustworthy.

We ask Allah SWT to bless Muslims all over the world, ease their hardships,  guide their leaders to the best.

Pleasing Allah is our aim and He Guides whomever he wish for the right path.

Fiqi Committee
The North American Council of Somali Imams (NACSI)

 

]]>
http://majliska.org/golaha-imaamyada-oo-soomaalida-iyo-muslimiinta-ogaysiinaya-ugu-hambalyeynaya-ciid-al-fitriga/feed/ 0
Golaha Imaamyada oo ugu hambalyeynaya Ummada Muslimiinta bilashada bisha Ramadaan http://majliska.org/golaha-imaamyada-oo-ugu-hambalyeynaya-ummada-muslimiinta-bilashada-bisha-ramadaan/ http://majliska.org/golaha-imaamyada-oo-ugu-hambalyeynaya-ummada-muslimiinta-bilashada-bisha-ramadaan/#respond Thu, 18 Jun 2015 21:53:20 +0000 http://majliska.org/?p=551 »]]> Waxaa illaahay mahadii ah in Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika Ramadan-Mubarak-Wallpaperugu hambalyeeyo dhamaan ummada Muslimiinta gaar ahaana Soomaalida bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Goluhu  wuxuu ogaysiinayaa inay maalinta khamiista June 18, 2015 ay tahay maalinkii ugu horeeyey ee Ramadaan. Taraawiixdana waxay ka bilaabanaysaa dhamaan masaajida Golaha Imaamyada hoos yimaada.

The North American Council of Somali Imams  are pleased to announce that Thursday June 18, 2015 as the first day of Ramadan. Taraweeh prayers start after Isha prayer on Wednesday June 17 all Mosques and centers that under the NACSI.

 

]]>
http://majliska.org/golaha-imaamyada-oo-ugu-hambalyeynaya-ummada-muslimiinta-bilashada-bisha-ramadaan/feed/ 0
Kulan diimeedkii ka socday Nashville oo soo gabagaboobay http://majliska.org/kulan-diimeedkii-ka-socday-nashville-oo-soo-gabagaboobay/ http://majliska.org/kulan-diimeedkii-ka-socday-nashville-oo-soo-gabagaboobay/#respond Mon, 25 May 2015 16:21:34 +0000 http://majliska.org/?p=502 »]]> Mu’tamarkii Islaamiga ahaa ee 15-aad ee uu soo qaban qaabiyey Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ayaa kusoo gaba gaboobay si wanaagsan.

Mu’tamarka ayaa magaciisa sanadkaan loo doortay “Islaamku waa manhajka Nolosha” cinwaankaas oo koobaya dhammaan jihooyinka nolosha.

Waxaa laga soo jeediyey Mu’tamarka Muxaadaraad iyo nadwooyin, sidoo kale dadka kasoo qayb galay ayaa looga jawaabay su’aalo badan oo ay qabeen.

Dadwaynaha reer Nashville ayaa Mu’atamarka si wanaagsan uga soo qayb galay culummadana aad usoo dhaweeyey.

Mu’tamarka ayaa waxaa Nahville ka abaabulay Masaajidka Al-Farooq Islamic Center oo ka mid ah, masaajid Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika.

Golaha imaamyada ayaa aad uga mahad celinaya sida wanaagsan ee ay soo dhaweeyeen reer Nashville oo hogaaminayo Masaajidka Al-farooq.

10383808_1615922998620640_7289956492121632238_o 10443145_1616243228588617_3930701530024752240_o 10575204_1616243871921886_9010586775538058813_o 10849046_1616242798588660_3915986994995152983_o 10866286_1616243091921964_6074917770379858781_o 11011874_1615922688620671_3577198016003213909_o 11033822_1616244028588537_6499603827637040255_o 11048749_1616242598588680_4357767920055786530_o 11049552_1615922991953974_6563206118341787608_o 11053499_1616243785255228_3729818367575592275_o 11059499_1616244021921871_8193400587225127894_o 11063506_1615921955287411_3765798983919201858_o 11083954_1616242808588659_5007595712736589496_o 11111156_1616242735255333_1778568609915280655_o 11122328_1615923605287246_7168442563541401183_o 11147156_1616242731922000_2992088416307573861_o 11164620_1615879375291669_2646265558484303303_o 11169522_1615879338625006_2589970883987463375_o 11169522_1615879505291656_8435754241313877474_o 11202888_1615923601953913_323493877798346864_o 11216219_1616243195255287_8810319727127748140_o 11216230_1615923485287258_3930116807639072856_o 11233190_1616243968588543_312085735515273748_o 11234984_1616243078588632_582472490021431723_o 11240477_1616244128588527_6363086838302939821_o 11248693_1616242801921993_1307289840177106699_o 11249480_1616243185255288_4840960656108424987_o 11257201_1616243281921945_141619425105357154_o 11265316_1616244125255194_9171194113652602370_o 11265501_1616243915255215_6536153045384510527_o 11270267_1616244215255185_6504131196072976225_o 11270445_1616243775255229_3730663398999076672_o 11270450_1616243285255278_5355772567430606039_o 11270473_1615922921953981_2078238545698278480_o 11270654_1615923668620573_8512796250846892940_o 11270685_1616243061921967_6434577844830601344_o 11312618_1616243675255239_2888543988258818381_o 11312842_1616243971921876_1070408358728826621_o 11312982_1616243501921923_893650657846241680_o 11333997_1616243721921901_2755722026421726878_o 11334107_1616243505255256_2015515741138954107_o 11334120_1616243288588611_1863912548084882479_o 11334198_1615923535287253_3174232459700973433_o 11336931_1615923531953920_4652021809217823970_o 11357112_1616243651921908_6455877067228830976_o DSC01336

]]>
http://majliska.org/kulan-diimeedkii-ka-socday-nashville-oo-soo-gabagaboobay/feed/ 0
Mu’tamarkii Nashville oo soo dhawaaday-Islaamku waa Manhajka Nolosha http://majliska.org/ogaysiis-mutamarkii-nashville-oo-soo-dhawaaday-islaamku-waa-manhajka-nolosha/ http://majliska.org/ogaysiis-mutamarkii-nashville-oo-soo-dhawaaday-islaamku-waa-manhajka-nolosha/#respond Tue, 19 May 2015 03:22:45 +0000 http://majliska.org/?p=497 »]]> Waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed ku nool Gobolka Tennessee ee Dalka Maraykanka iyo inta kale ee awooda inay soogaaraan, inuu dhici doono Mu’tarkii 15-aad ee ay soo agaasimeen Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo Al-Farooq Islamic Center. 

Mu’tamarka Sanadkan ayaa cinwaankiisa guud yahay Islaamku waa Manhajka Nolosha (الاسلام منهج حياة) Mu’tamarka ayaa ku bixi doona luuqada Soomaaliga iyo midda Ingiriiska. Mu’tarmarka ayaa socon doona sanadkan 3 maalmood Jimce, Sabti iyo Axad. May 22- 24, 2015.

Waxaa si xushmad looga codsanayaa Soomaalida degan  Tennessee iyo Nawaaxigeeda inay soo ajiibaan khayrka kana soo qayb galaan Mu’tamarkan muhiimada u leh noloshooda aduun iyo mid aakhirob.

Mu’tarmarka Sanadkan Culummada kasoo qayb galaysa liiskooda hoos ka daalaco.

1-  Sh. Abdirahman Sh. Omar
2-  Sh. Abdirahman Sh. Ahmed
3-  Sh. Abdullaahi Ibraahim
4-  Sh. Mohamed Mursal
5-  Sh. Abdullaahi Abul-Fadli
6-  Sh. Yusuf Abdullaahi
7-  Sh. Yahye Sufi
8-  Sh. Nuuh Ise
9-  Sh. Mohamed Shucayb
10- Sh. Ahmed Dayib
11- Sh. Hassan Dhooye
12- Sh.Mohamed Hassan

Intaa wixii dheer waxaad uga bogan doontaa flyer-ka soo socda insha allaah. Faah faahin intaa dheer fadlan la xiriir. Sheikh Mohamed 615-638-5240 iyo Sh. Al Salah 615-686-4145 sidoo kale waxaad wici kartaa Masaajidka Al-faarooq 615-313-8844.

flyer

]]>
http://majliska.org/ogaysiis-mutamarkii-nashville-oo-soo-dhawaaday-islaamku-waa-manhajka-nolosha/feed/ 0
Sh. Khadar Jaamac oo dhibaatada ilma iska soo rididda ku qaatay Ph.D. http://majliska.org/sh-khadar-jaamac-oo-ilma-iska-soo-rididda-ku-qaatay-ph-d/ http://majliska.org/sh-khadar-jaamac-oo-ilma-iska-soo-rididda-ku-qaatay-ph-d/#respond Tue, 12 May 2015 17:25:33 +0000 http://majliska.org/?p=481 »]]> Sh. Khadar Jaamac ayaa gaaray darajada Ph.D. kadib markuu baaritaan kusameeyey “Dhibaatada ilma iska soo rididda ee  kataagan Galbeedka, asbaabteeda iyo Axkamteeda dhinaca shareecada Islaamka” Sh. Khadar ayaa mowduucan ka diyaariyey cilmi baaris kuna mutaystay inuu ku qaato Dictooraa, (Ph.D. Sheikh Khadar ayaa ka qaatay Dictoorada Jaamacada  Graduate Theological Foundation (GTF) ee kutaala Gobolka Indiana ee cariga Maraykanka.

Sh. Khadar buugiisa uu kusoo bandhigay mowduucan fiqiga ah waxaa kor kala socday oo baaraha mushrif u ahaa, Dr. Cumar Shaahiin oo ah Madaxa Qaybta daraasaatka Islaamka ee Jaamacada kor ku xusan, sidoo kalena baaraha waxaa kala dooday buugiisa Dr. Camar Shaahiin iyo Dr. Al-waathiq Al-Cubaydiyi oo ah xubin ka mid ah jaamacada.

Sh. Khadar waxuu kusoo bandhigay buugiisa cilmi aad loogu baahan yahay xiligan ahna masalo kataagan Galbeedka, in ay siyaadayso ilma iska soo rididda, ummada ku nool galbeedkana ay saamayn wayn ku leedahay dhinac kasta, cidkastana ay qayb teeda ka heshay. Arintan ilmo iska soo tuurka ayaa ah arin aad doodeedu u dheertay dhinac walba, mushtamaca reer galbeedkuna waa ku kala qaybsan yahay, qaar u arka in haweenaydu iyadu leedahay go’aanka kama danbaynta ah ilmaha uurkeeda ku jira, iyo kuwa kale oo u arka inay tahay arin ijtimaaci ah, go’aan keeduna dadka ka wada dhaxeeyo.

Sidoo kale waxaa ku kala aragti duwan siyaasiyiinta oo aysan ka marnayn barnaamijkooda dicaayada ololaha doorashada. Si kastaba ha ahaatee waa arin qaanuun ahaan loo meel mariyey, laguna dhaqmo waqtigaan xaadirka ah.

Baaritaanka Sh. Khadar kusameeyey ayaa soo bandhigaya sabaha keena ilma iska soo rididda, iyo arintaas shareecada Islaamku waxa ay ka qabto. Sidoo kale baaruhu wuxuu soo bandhigayaa taariikhda mowduucan ee Galbeedka iyo tira koobka lagu sameeyey ilmaha la iska soo tuuro. Waxaan Iyana baarintaanka ka marnayn in lagu soo bandhigay dhibaatada arintan ku hayso mushatama reer galbeedka iyo kuwa kusoo biiray ee kasoo hayaamay wadammada Islaamnka, dhaqaale ahaan, akhlaaq ahaan, iyo bulsho ahaanba.

Masaladan ayaa ka duwan sida loo eegayo sharci ahaan markii ay ka dhacdo dhul Islaam ah, marka laga hadlayo Galbeedka iyo dadka tirada yare ee ku nool waaqican, fiqigoodu meelaha qaar ayaa si kale loo fiirinayaa, arintaasna waa maslo sharci ah. (fiqul aqaliyat)

Sh. Dr. Khaddar jaamac wuxuu ka mid yahay Culummada Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerika, wuxuu ahaa Imaamkii Masaajidka Al-Ansaar ee San Diego, Sh. Khadar waa Sheikh da’ayar oo firfircoon, kana mid ah guud ahaan culummada dacwada kawada Maraykanka.

Ugu danbayntii Saaxiibkay Sh. Dr. Khadar waxaan ugu hambalyeynayaa kuna faraxsanahay darajadaas cilmiga ah ee illaahay gaarsiiyey, waxaana illaahay uga baryayaa inuu cilmigiisa ka dhigo cilmi naafic ah, illaahayna ummada ku anfaco. Anigoo fursadaan ka faa’iidaysanaya waxaan Dr. Khadar Jama kula talin lahaa inuu Risaalada cilmi baaristan uu daabaco, si looga faa’iidaysto fiqiga dhex fadhiya.

Diyaariye:

Sheikh Hassan Dhooye
dhooye@hotmail.com

حصل أخونا الفاضل الشّيخ خضر درجة الدكتوراه. وكان عنوان البحث (مشكلة الإجهاض في الواقع الغربي، أسبابه وأحكامه في الشّريعة الإسلاميّة) من جامعة
جي تي إف. وهي جامعة قديمة في ولاية إنديانا.  ناقش الرّسالة أستاذان فاضلان: الدّكتور عمر شاهين والدّكتور واثق العبيدي الفقيه الحنفيّ المشهور المقيم حاليا في أمريكا

الشّيخ خضر من الدّعاة المشهورين في أمريكا ومن طلبة العلم المجتهدين. حريص على وقته وهو دائم الإطّلاع على المسائل المستجدة في المجتمع الإسلاميّ. زدعلى ذلك، أنّ له اطلاع غير يسير على الثّفافة الغربية. دار بيني وبين الشّيح خضر نقاش في مسائل فقهية، فهو ليس ممن يطلق الكلام على رسيلاته، بل يرجح بين الآراء الفقهية عن علم ودراية. ناقش الشيخ خلال الرّسالة مشكلة الإجهاض في الواقع الغربي، وواضح في كتابات الشّيخ بأنّه يعتز بثروة الفقهية الإسلاميّة وغضار دوحته.

 رسالة الشّيخ تضيف إلى المكتبة الإسلاميّة موضوعا جديدا. فاللهم تقبل جهود الشيخ واكتب لرسالته القبول بين طلبة العلم.

 هنيئا لك فضيلة الشّيخ خضر….  دمتم بخير….

 بقلم /تلميذكم

(موليد خليف ( أبو معاذ

IMG_4835 IMG_4945 IMG_4947 IMG_4996 IMG_5003

]]>
http://majliska.org/sh-khadar-jaamac-oo-ilma-iska-soo-rididda-ku-qaatay-ph-d/feed/ 0
Sh. Abdul Fadli iyo Sh. Dayib oo booqday Masjid Al-faarooq http://majliska.org/sh-abdul-fadli-iyo-sh-dayib-oo-booqday-masjid-al-faarooq/ http://majliska.org/sh-abdul-fadli-iyo-sh-dayib-oo-booqday-masjid-al-faarooq/#respond Mon, 11 May 2015 18:18:05 +0000 http://majliska.org/?p=465 »]]> Gudoomiyaha Golaha Tanfiidka ee Golaha Imaamyada , Sh Abdullahi Abul-Fadli oo uu lasocdo Sh Dayib ayaa maanta waxay safar dacwo noogu yimaadeen Masaajidka Alfaaruuq ee magaalada Nashville, Sh Abul-Fadli ayaa wuxuu noojeediyay Muxaadaro, sidoo kale wuxuu lakulmay Maamulka Masjidka isagoo kala hadlay sidii dacwada loo xoojin lahaa iyo Mu”tamarka sidii loogu diyaar garoobi lahaa.

Sh Abul-Fadli iyo culimadii losoctay ayaa waxay booqdeen Madrasada Quraanka ee Markaska waxaana warbixin siiyay maamulaha dugsiga Cali Salax Nuuradiin ,Ilaahay culimada iyo Majliskaba hanoo barakeeyo.

Ogaysiis Kuwajahan Gobolka Tennessee iyo Nawaaxigiisa

Waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed ku nool Gobolka Tennessee ee Dalka Maraykanka iyo inta kale ee awooda inay soogaaraan, inuu dhici doono Mu’tarkii 15-aad ee ay soo agaasimeen Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo Al-Farooq Islamic Center. 

Mu’tamarka Sanadkan ayaa cinwaankiisa guud yahay Islaamku waa Manhajka Nolosha (الاسلام منهج حياة) Mu’tamarka ayaa ku bixi doona luuqada Soomaaliga iyo midda Ingiriiska. Mu’tarmarka ayaa socon doona sanadkan 3 maalmood Jimce, Sabti iyo Axad. May 22- 24, 2015.

Waxaa si xushmad looga codsanayaa Soomaalida degan  Tennessee iyo Nawaaxigeeda inay soo ajiibaan khayrka kana soo qayb galaan Mu’tamarkan muhiimada u leh noloshooda aduun iyo mid aakhirob.

Mu’tarmarka Sanadkan Culummada kasoo qayb galaysa liiskooda hoos ka daalaco.

1-  Sh. Abdirahman Sh. Omar
2-  Sh. Abdirahman Sh. Ahmed
3-  Sh. Abdullaahi Ibraahim
4-  Sh. Mohamed Mursal
5-  Sh. Abdullaahi Abul-Fadli
6-  Sh. Yusuf Abdullaahi
7-  Sh. Yahye Sufi
8-  Sh. Nuuh Ise
9-  Sh. Mohamed Shucayb
10- Sh. Ahmed Dayib
11- Sh. Hassan Dhooye
12- Sh.Mohamed Hassan

Intaa wixii dheer waxaad uga bogan doontaa flyer-ka soo socda insha allaah. Faah faahin intaa dheer fadlan la xiriir. Sheikh Mohamed 615-638-5240 iyo Sh. Al Salah 615-686-4145 sidoo kale waxaad wici kartaa Masaajidka Al-faarooq 615-313-8844.

1973759_709853459160461_4230877484115507542_o 10838185_1611190405760566_5551471021542737186_o 11038934_1611190169093923_7803737453752042300_o 11110200_1611190602427213_2688924963249425688_o 11111612_709853449160462_2798110247360130548_o 11141121_1611190372427236_1448686035328458181_o 11149765_709853455827128_178333478732263788_o 11187269_1611190542427219_1789024954307873755_o 11194432_1611190229093917_2324013572292431874_o 11194652_1611190335760573_5260556384559260414_o 11200939_709853452493795_5087815275167100251_o 11227424_709853465827127_7917010780044467111_o 11234977_1611190175760589_2200924679457540665_o

]]>
http://majliska.org/sh-abdul-fadli-iyo-sh-dayib-oo-booqday-masjid-al-faarooq/feed/ 0