Warning: Parameter 1 to wp_default_styles() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601

Warning: Parameter 1 to wp_default_scripts() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601
Bayaan ka soo baxay Golaha Masaajida Waqooyiga Ameerika | Majliska.org

Bayaan ka soo baxay Golaha Masaajida Waqooyiga Ameerika

Print

Bayaan ka soo baxay Golaha Masaajida Waqooyiga Ameerika
Bismilaahi Raxmaani Raxiim 3/19/2005

Ku: Baarlamaanka Faderaalka Kumeel gaarka Soomaaliyeed
Ku: Dowlada Faderaalka ku Meel gaarka Soomaaliyeed
Ku: Dhamaan Umadda Soomaaliyeed
Ujeedo: Taageerid Go’aankii Baarlamaanka ee March 17, 2005

Anagoo ah golaha Masaajida Waqooyiga Ameerika Waxaan taageeraynaa go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed ay ka qaateen keenista ciidamo ka socda safka hore, waxaana ku baaqaynaa qodobadan soosocda;

waxaan taageer sanahay go’aanka Baarlamaanka Faderaalka Kumeel gaarka Soomaaliyeed uu ka qaatay keenista ciidamada Safka hore.

Waxaan ugu baaqaynaa BFKMS inay ku taagnaadaan go’aankooda aysan marna aqbalin waxaan Umada iyo Dalka Soomaaliyeed dan u ahayn.

Waxaan ugu baaqaynaa BFKMS inay dhowraan sharaftooda iyo Sharafta umada Soomaaliyeed, wax kastana ku dhameeyaan wada hadal iyo cod dheeri.
Waxaan ku baaqaynaa inaan ciidamo Itoobiyaana la gaynin dalka Soomaaliya marnaba.

Waxaan ugu baaqaynaa DFKMS inay u hogaan santo Go’aankii Baarlamaanka, kuna dhamayso waxkasta wada hadal iyo si nabad ah
Waxaan ugu baaqaynaa DFKMS inay tixgaliso doonista Umada Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa DFKMS inay ka noqoto kana waan towdo, dalabkeedii ahaa keenista Ciidamo ka socda safka hore Soomaaliya.
Waxaan ugu baaqaynaa Dhamaan imaamyada Masaajida Soomaaliyeed meelay joo gaanba inay khudbadaha jimcaha soo socda (March 25, 2005) uga hadlaan dhibaatada ay leedahay imaanshaha Itoobiya Dalka Soomaaliya.

Ugu danbaytii waxaan ugu baaqaynaa Umada Soomaaliyeed meelay joogaan ba inay jimcaha soo socda ee taariikhdu tahay March 25, 2005 Banaanbax ku muujiyaan diidmadooda ku aadan keenista Ciidamada Itoobiya Dalka Soomaaliya.

Waxaan Illaahay ka baryeynaa inuu umada Soomaaliyeed ka saaro dhibaatadda ku habsatay kuna hanuuniyo Diinteeda.

Golaha Masaajida Waqooyiga Ameerika
Afhayeenka Golaha Masaajida
Imaam Shiikh C/shakuur Ibraahim
cabdishakur@yahoo.com

Xigasho:Somalitalk