Warning: Parameter 1 to wp_default_styles() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601

Warning: Parameter 1 to wp_default_scripts() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/nacsi/wp-includes/plugin.php on line 601
Baaq ay shirka ka soo saareen Golaha Immaamyada Waqooyiga Ameerika 2003 | Majliska.org

Baaq ay shirka ka soo saareen Golaha Immaamyada Waqooyiga Ameerika 2003

Print

mutamar 28_2003Sunday, December 28, 2003

Waxaa ka furmay Magalaada Minneapolis ee Dalka Maraykan-ka Shirwaynihii Sadexaad ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika Kaas oo socday inta u dhaxaysay 26-28 December , 2003

Shirkaas oo ay kasoo qayb galeen in kabadan 5000 oo qof , waxaa shirkaas ka hadlay Culimada, Ururka Caafimaadka iyo ururka Macalimiinta.

Shirkaas ayaa waxaa laga soo jeediyey in kabadan 12 Muxaadaro oo ku saabsan badbaadada umada. Shirkaas oo maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyey 12/28/2003 ayaa waxaa kasoo baxay go’aamadan hoos ku qoran, oo ay soo saareen golaha imaamyada (waa imaamayada Masaajida waqooyiga Ameerika) go’aamadaas oo ka tarjumaya arigtada jaaliyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika.

Wuxuu Shirku umada Soomaaliyeed ugu yeerayaa inay u soo laabtaan ku dhaqanka kitaabka illaahay iyo Sunada Nabigiisa (scw).

Wuxuu Shirwaynuhu ugu baaqayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba inay u gurmadaan dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku nool Soomaliya.

wuxuu shirku ugu baaqayaa inay dagaalka joojiyaan dhamaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa hada ku dagaalamayaa GOBOLKA GALGUDUUD ilaahayna ay uga toobad keenaan waxay gaysteen iyo inay u xukun tamaan shareecada islaamka.

wuxuu shirku ugu baaqayaa umada Soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan iyagoo kamaar maya faragalin shisheeye khilaafaadkooda ku xaliyaan Kitaabka iyo Sunada.

wuxuu shirku ugu baaqaayaa umada Soomaaliyeed inay joojiyaan dadka walaala hood ah ee ay guur iyo hayb soo cayaan.

Shirku wuxuu dadka Soomaaliyeed ku dhiiri galinayaa in lagu dadaalo xaga waxbarasha maadaama aysan jirin Dowlad Soomaaliyeed, lana taageero Iskuulada hada jira lana asaaso kuwa hor leh Sida; Jaamacadaha, Machadyada, Iskuulada Sare iyo Kuwa hooseba.

wuxuu shirku ugu baaqayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika inay xoojiyaan midnimada iyo is kaashiga sida; Culimada, Aqoonyahanadda, Siyaasiyiinta, dhalinyarada, Ururada Bulshada iyo dhamaan qaybaha kale ee Bulshada.

Wuxuu shirku ugu baaqayaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika in ka qayb qaataan sidii loo furi lahaa Iskuulo Islaami ah, oo lagu badbaadinayo dhilinta Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Amerika.

ugu danbayntii wuxuu shirku umada Soomaaliyeed ku boorinayaa alle ka cabsi iyo is garabsi.
Mahad allaa leh Nabi Muxamed nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato.

Golaha imaamyada ee Waqooyiga Ameerika.

Xasan Dhooye abu xafso
dhooye@hotmail.com
Minneapolis, MN, USA

Sawiradii  Kulanka Somaalida W/A: Daawo halkan

Xigasho: Somalitalk